Bashir oo dib ugu magacaabay xilka agaasimihii guud ee sirdoonka ee hore oo uu hore u xiray

0
71

Khartoum (SPO)- Hogaamiyaha Sudan Cumar Xasan al-Bashir ayaa soo saaray amar uu ugu magacaabay General Salaax Qoosh agaasimaha guud ee amniga qaranka iyo sirdoonka GOSH, kadib markii uu xilkan ka qaaday sanadkii 2009.

Wakaaladda wararka ee Sudan ayaa sheegtay in al- Bashir uu xilka ka dejiyay general agaasimihii guud ee waaxdan Maxamed Caddaa,isaga oo soo celiyay agaasimihii hore waaxdan xafiiska.

Hogaamiyaha Sudan Cumar al-Bashiir ayaa u magacaabay agaasimaha Salaax Quush sanadkii 2004 isaga oo xilkan hayay ilaa sanadkii 2009,xilligaas oo uu u magacaabay la-taliyaha Bashir ee arrimaha ammaanka ka hor intii uunan xirin 7  bilood oo kadib markii uu ku eedeeyay isku day uu ku damacsanaa inuu ku afgambiyo isaga.

Laakiin sumadda ugu caansan ee agaasimahan uu magacaabay al-Bashiir Salaax Qooh sida uu ugala shaqeeyay waaxda sirdoonka Maraykanka ee (CIA) hawlgalada loogu yeero  dagaalka ka dhanka ah “argagixisada” xilli  Washington ay ku dartay liiska ay ku tilmaamto “argagixisada”.

Qoraa Sudan u dhashay oo deggen dalka Maraykanka oo qoray buug uu ugu magac daray “xabaal” oo uu kaga hadlay waxyaabaha dhex wareegayay waaxda nabad-sudiga ee Sudan ayaa laga laga soo xigtay in Salaax Qoosh Maraykanka uu u gacan galiyay hogaamiyayaal badan oo katirsanaa dhaqdhaqaaqayada Islaamka  dunida oo dhan.

SOMALI PRESS ONLINE 2018

Adigu Maxay kula tahay?

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here