BFS oo Maanta Kulan ku leh Xarunta Golaha Shacabka

0
110
 Muqdisho(SPO)- Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya Kulankoodii Caadiga ah. Kulankaan waxa ay kaga hadlayaan Akhrinta iyo qaybinta qorsho howleedka Guddiyadda Golaha Shacabka.
 
Waxa uuna daba socdaa kulan shalay Muqdsho ku yeesheen Gudiga Joogtada ah ee Baarlamaanka, kaa oo ay kaga arrinsanayaan kulamada Baarlamaanka inta ka dhiman Kalfadhiga 2-aad.
Guddiga Joogtada iyo Gudoonka Baarlamaanka ayaa isla gartay sidii ajendayaal Kooban loogu koobi lahaa kalfadhigaan, Maadaama Howlo badan ay Mudanayaashu u yaallaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galay kulankii shalay ee Guddiyada Joogtada ayaa xubnihii uu la kulmay ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan Jiheynta Ajendaha Kalfadhiga.

Waxa uuna Xusay in waqtiga Baarlamaanka iyo Kalfadhiga inta ugu harsan loo baahan yahay in la mideeyo, Maadaama Golaha shacabka ay ka baaqdeen Kulamo ay kaga hadli lahaayeen Ajendayaal u qoran.

Guddiyada Joogtada ayaa iyane laga dhageystay talo ku aadan sida lagu simi karo kalfadhiga iyo Qodobada ay doonayaan in looga hadlo Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Somali Press Online 2017

Adigu Maxay kula tahay?

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here