Kenya oo sheegatay in Meydka xubno ka mid ahaa Al Shabaab lagu arkay dalkeeda

0
86

Wajir(SPO)- Booliska Kenya ayaa sheegay in ay heleen meydadka 3 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo la tilmaamay inay ku dhinteen weerar ay kuqaadeen saldhig booliska ay ku leeyihiin Magaalada Wajir ee waqooyi bari dalkaasi.

Taliyaha booliska gobolka Wajir Stephen Ngetich ayaa sheegay in 3daas dagaalame ay ku dhinteen dagaal socday laba saacadood oo u dhaxeeyay Al-shabab iyo ciidamada Kenya oo ka dhacay saldhiga booliska ee Kutulo.

Taliyaha ayaa xusay in dagaalamayaal kale oo Al-shabab ah ay u baxsadeen dhinaca Keymaha.

Taliye Stephen Ngetich ayaa tilmaamay inay isku baahiyeen dhinaca iyo xuduuda Kenya iyo Soomaliya si loo dabagalo kooxdii kale ee ka baxsatay weerarkaasi.

Booliska ayaa sheegay in ay bilihii lasoo dhaafay ay la daala dhacayeen weeraro Al-shabab uga imaanaya dhinaxa xadka.

SOMALI PRESS ONLINE 2018

Adigu Maxay kula tahay?

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here