Nigeria oo heshiis la saxeexatay Switzerland iyo Baank dunida si loogu soo celiyo lacag la boobay

0
113

LAGOS(SPO)-Nigeria ayaa heshiis la saxeexatay Switzerland iyo Baank dunida si loogu soo celiyo lacag qiimo ahaan dhan lagu qiyaasay ugu yaraan ($ 321) malyuun oo dollar oo la sheegay inuu boobay hogaamiyihii hore ee askariga ahaa Sani Abacha.

Heshiiskan ayaa lagu saxeexay goor dambe oo Isniintii ah shirkii caalamiga ahaa ee Dib u soo celinta hantida ee (GFAR) oo ka dhacay Maraykanka, sida lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka wasaaradda caddaaladda Salixu Ciisa.

Wasiirka caddaaladda ee Nigeria, Abubakar Malami,ergay ka socda Switzerland, madaxa wafdiga GFC Roberto Balzaretti iyo agaasimaha Nigeria u fadhiya baanka dunida Rachid Benmessaoud ayaa saxeexay heshiiskan.

Ciisa ayaa sheegay in heshiiskan sidoo kale uu wadada u furayo dalka Nigeria si ay wadahadal uga gasho dib-u-soo-celinta hantida dalka laga xaday ee ay boobeen siyaasiyiinta gudaha.

Boqollaal malyuun oo dollar oo ay boobeen qaar kamid ah hogaamiyayaasha dalkaasi ayaa la sheegay inay dhigteen baananka ku yaala dhowr kamid ah dalalka galbeedka.

Somali Press Online 2017

Adigu Maxay kula tahay?

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here