Pew:”Islaamku waxa uu noqon diinta labaad ee ugu weyn Maraykanka marka la gaadho 2040″

0
169

Washington(SPO)- Daraasad cusub oo Maraykan ah ayaa waxay saadaalisay in Muslimiintu ay noqon doonaan kooxda labaad ee ugu weyn diinta dalka Maraykanka marka la gaaro sanadka 2040.

Xarunta Cilmi baarista ee( Pew) ayaa sheegtay in imika Muslmiinta ku nool Maraykanka tiradoodu ay tahay 3.45 Malyuun oo qof, taas oo qiyaastii ah 1.1% dadweynaha dalka.

Laakiin xaruntani waxay ku sheegtay daraasaddeeda in Muslimiintu 22-ka sanadood ee soo socda, ay gali doonaan kaalinta Yuhuudda oo ah bulshada labaad ee ugu weyn diin ahaan dalka.

Dhinac kale tirada Muslimiinta ee Maraykanka ayaa la rajeynayaa in ay gaaro ilaa 8.1 malyuun oo qof marka la gaaro sanadka 2050.

Wargayska (Independent) ayaa soo xigtay Ixsaan Bagby oo ah barre daraasaadka Islaamka ka dhiga Jaamacadda Kentucky, oo ah xubin kamid ah Golaha (Pew) ee La-talinta 2017, kaas oo sheegay in Maraykanku uu oggolaado dhabta ah in Islaamku uu noqonayo qayb muhiim ah kamid ah dhismaha bulshada Maraykanka.

Wareysi ay la yeelatay shabakadda wararka ee (NBC News),ayaa Bagby ku muujiyay sida uu aaminsan yahay in tiro badan oo Maraykan ah ay bilaabeen inay oggolaadaan dhabtan, laakiin qaar kale aynan oggolaanin.

Waxa intaa ku daray oo uu yiri”Waxaan maraynaa xilligan kala-guur ah, sababtoo ah aragtida dad badan oo Maraykanka ah, Islaamka uma arkaan inuu yahay qayb kamid ah bulshada Maraykanka dhab ahaan,”.

Waxa kale oo uu tilmaamay in dhibaatada sii socota ee qaybo ka mid ah dunida Islaamka dhibaatooyinka,in muwaadiniin badani ay isku dayi doonaan sida ay u badan tahay inay usoo guuraan Mareykanka.

Waxa isaga oo ka hadlaya arrintan uu yiri”Waxa jira socdaal joogta ah oo ka socda dadka u guclaynaya kaliya inay wanaajiyaan xaaladdooda dhaqaale iyo waxbarasho, laakiin waxaa jira mowjado dadka ka firxanaya dalalkooda,”.

Waxa barre Bagby uu kusoo gunaanaday hadalkiisa oo uu yiri”Mar kasta oo dhibaatada ba’an e eka jirta dunida Muslimka ay sii adkaato waxa sii kordhaya waxa ku riixaya muwaadiniinteeda inay guuraan,”.

SOMALI PRESS ONLINE 2018

Adigu Maxay kula tahay?

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here