SAWIRO: Ardayda Jaamacadda Upper Jubba Ee Baydhabo oo u fariisatay imtixaanka semisterka 1-aad

0
186

 Baydhabo(SPO)- Ardayda Jaamacadda Jubbada Sare E Magaalada Baydhabo oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa Maanta u fariistay imtixaankii koowaad ee simisterka koobaad ee sanad waxbarashadeedka 2017-2018.

Imtixaankan ayaa ka bilawday Hoolka Jaamacadda iyadoo ardayda imtixaanka u fariisatay wajiyadooda laga dheehan karayay dadaal iyo diyaar garow ku aadan imtixaanka.

Guddoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Jubbada Sare Dr. Xasan Ismaaciil Baashaa oo kormeeray habsami u socda Imtixaanka waxa uuna u hambalyeey ardayda jaamacadda ee imtixaanka u bilawday, wuxuuna ugu duceeyay inuu Ilaahey u fududeeyo markastana ay ilaaliyeen nidaamka udagsan Jaamacadda.

Sidoo kale wuxuu gudoomiyaha u hambalyeeyay waalidiinta, macalimiinta iyo dhamaan bulshada soomaaliyeed iyo maamulka iyo hawl wadeenada Jaamacadda Jubbada Sare Ee Magaalada Baydhabo.

Madaxa Waxbarasha iyo Arimaha Ardayda Ee Jaamcada Upper Jubba Xuseen Sheekh Ibrahim ayaa Sidoo kale u mahadceliyay dhamaan ardayda ufadhida imtixaanka iyo waalidka soomaaliyeed Ee Ku Dhaqan Magaalada Baydhabo kalsoonida ay siiyeen Jaamacada Upper Jubba Ee Magaalada Baaydhabo isagoo tilmaamay in kaalinta jaamacada Upper Jubba ay leedahayna ee dhanka waxbarashada ay kasoo bixi doonto.

Ugu dambyntii, Jaamacadda Upper Jubba  Ee Magaalada Baydhabo waxay ka kamid tahay jaamacaddaha ugu caasan Ee jira Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana waxay xubin katahay ururo jaamacadeed oo caalami ah waxay kaalin weyn ka qaadatey mudadii ay jirtey wacyi-galinta Bulshadda iyo Cilmi –baaris.

HALKAN KA DAAWO SAWIRO

SOMALI PRESS ONLINE 2018

Adigu Maxay kula tahay?

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here