SAWIRO: Madaxweyne Shariif Xasan Oo Dhiiru-galiyey Xulka Kubadda Caggta KG Somalia

0
291

Baydhabo(SPO)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Sheekh Aaden oo ay wehliyaan Xildhibaanada Labadda Aqal Ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Ee Laga Soo Doortey Degaanka Koonfur Galbeed Somalia iyo Wasiirka Dhalanyarada iyo Ciyaaraha KG Somalia C/llaahi Cabdi Cumar iyo Ku Xigeenkiisa Maxamed Xaaji ayaa Maanta la kulmey Xulka Kubadda Caggta KG Somalia Ee ka qiib galaya Tartanka Ciyaaraha Ee Maamul Goboleedyada Dalka oo ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa ku dhiira-galiyey Xulka Kubbadda Caggta Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay sanadkan la yimaadaan Ciyaar wanaag iyo Deganaansho, isagoona guul u rajeeyey Xulka Kubbada Caggta Ee Maamulkiisa.

Madaxweyne shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa mid mid ula kulmey Ciyaar-yahnada KG isagoona Loo Muujiyey inay Soo bandhigi doonaan Ciyaaro wacdaro ah.

Xulka Kubbadda Caggta Koonfur Galbeed Somalia ayaa ku jira Group B; isla markaana mudooyinkii dambe waxay tababaro ku qaadanayeen Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii, Tartanka ayaa furmi doona Maalinta Jimcaha oo ay bisha ku beegan tahay 8-da December waxaana lagu furi doonaa Banaadir iyo Jubaland.

Halkan Hoose ka Daawo Sawiradda

Somali Press Online 2017

Adigu Maxay kula tahay?

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here