Shirkii Khaliijka oo Fashilay

0
84

kuweyd(SPO)- Shirka ururka dalalka Khaliijka ee GCC oo maanta ka furmayey magaalada Kuwait ayaa la qorsheeyey inuu socdo labo maalin, balse qadar yar kahor ayaa la sheegay in shirka maanta lasoo afjari doono kadib markii ay kasoo qeyb geli waayeen Madax Sare ee dalalka Xulafada Sacuudiga.

Dowlada Sacuudiga ayaa shirkan usoo dirtay Wasiirkeeda Arrimaha Dibada oo aan kamid ahayn Qoyska Boqortooyada, waxaa horey loo filayey inuu yimaado Boqor Salman. Halka dalalka Baxreyn iyo Imaaraatiga ay soo direen wafuud heer hoose ah.

Dhinaca kale dowlada Imaaraatka ayaa maanta shaaca ka qaaday in UAE iyo Sacuudiga wada dhisanayaan urur iskaashi oo u gaar ah oo ka shaqeyn doona arrimaha militariga, siyaasada iyo ganacsiga. Ururkan cusub oo laga feer sameeyey kii horey u jiray ee GCC.

Arrintan ayey dhaawac weyn ku tahay Emirka Kuwait Sabah Al Ahmed oo rajeenayey inay yimaadaan Boqorada Khaliijka shirka uu ku casumay, isagoo horey balan qaad ka heystay dowladahaasi.

Amiirka Qatar Tamim Bin Hamad iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa iyagu wax yar kahor ka degey magaalada Kuwait si ay shirkaasi uga qeyb galaan.

Shirkan ayaa ah midka sanadlaha ee GCC waana kii ugu horeeyey oo dhaca tan iyo xiisada Khaliijka markii ay bilaabatay oo ay dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatiga hogaamiyaan xayiraada dul dhigeen Qatar.

Somali Press Online 2017

Adigu Maxay kula tahay?

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here