Wararkii ugu dambeeyey ee Jiidaha ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland & Somaliland iyo xog soo baxday

0
160

TUKARAQ(SPO)- Wararkii ugu dambeeyey Ee SomaliPressOnline.com kasoo gaaraya deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in ay xaaladu degan tahay oo aysan jirin wax dagaal ah oo hadda dhacaya, balse Saan-saanta iyo diyaar garowga labada dhinac ayaa gaaray heerkii ugu sareeyey.

Cutubyo kamid ah ciidamada labada dhinac ayaa saacadihii ugu dambeeyey kusii qulqulayey jiidaha, waxaana taasi ay kordhisay cabsida Shacabka ee ah in lagu dul-dagaalamo.

Maamulada labada dhinac ee Puntland & Somaliland ayaa Hanjabaadaha ay iskugu jeedinayaan ay kordheen saacadihii ugu dambeeyey, waxayna labada dhinacba u muuqdaan kuwa u diyaar garoobay dagaal dhameystiran.

Madaxweynaha Puntland oo la hadlayey xalay abaare 10-kii habeenimo saxaafadda ayaa sheegay in uu yahay duulaanka Somaliland mid garab siinaysa kooxaha Argagixisada, loogana soo horjeedo horumarka Puntland.

Taas bedelkeedana wuxuu sheegay in ay uga jawaabi doonaan talaabo ku haboon, taas oo ka dhigan in ay Puntland weerar iskaga difaaci doonto talaabada uga timid dhinaca Somaliland.

Ugu dambeyntii, Baarlamaanka Somaliland oo fadhi deg deg ah yeeshay ayaa isku raacay in goobaha aysan dib uga soo laaban ciidamada maamulkaas, taas oo ka dhigan in dhankoodana ay udiyaar noqdeen dagaal cusub.

SOMALI PRESS ONLINE 2018

Adigu Maxay kula tahay?

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here