Wasiirka arrimaha dibada Germany oo cambeerayn ba’na kala kulmay shaah uu u dhigay dhigiisa Turkey

0
231

Berlin(SPO)-Madaxa xisbiga Doogga ee macaaradka ee Germany Cem Özdemir ayaa cambeereeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Germnay Sigmar Gabriel shaaha uu u dhigay dhigiisa Turkey Jawish Ihsanoglu,kaasoo booqday aqalkiisa ku yaala magaalada Goslar ee gobolka Saxony ga Hoose.

Hogaamiyahan xisbiga dooga ee Germany oo isaga asal ahaan kasoo jeedo Turkey ayaa waraysi uu siiyay televishanka ARD ee laga leeyahay Germnay ku yiri” Haddii uu matali lahaa Germany shaah uma dhigeen wasiirka arrimaha dibadda ee Turkey,mana oggolaadeen in sidan muuqaal loo qaado oo “.

Muqaalka wasiirka arrimaha dibada Germany Gabriel oo shaaha u dhigaya miiska wasiirka arrimaha dibada ee Turkish Jawish Ihsanoglu ayaa waxa uu si balaaran u faafisay dhacdadan warbaahinta labada dal.

Hoggaamiyaha xisbiga Doogga ayaa ku tilmaamay dhaqanka muqaalkan inuu ka dhigan yahay in Germany ay u adeegto Turkey oo si sharci-darro ah u haysa 7 muwaadiniin ah oo u dhalatay Germany,sidaa daraadeed ma jirto wax sabab looga dhigo waxa uu ku kacay Gabriel.

Waxa xusid mudan madaxa xisbiga Doogga Cem Özdemir inuu filayay qabashada jagada wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda cusub ee ay soo dhisi lahayd Chancellor Angela Merkel oo u ahaa isbahaysi uu dhexeeyay xisbigeega( Christian) ,xisbiga Doogga iyo Xisbiga Dimuqraadiga kadib markii ay guul-daraysteen wadahadalkii isbahaysiga lagu soo dhisi lahaa.

SOMALI PRESS ONLINE 2018

Adigu Maxay kula tahay?

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here