Yemen: Xuuthiyiinta oo afduub ku heysta shaqaalihii Telefishinkii Salax

0
106

Muqdisho(SPO)- Hay’ada u dooda Saxaafada ee RSF ayaa cambaareysay weerarka kooxda Xuuthiyiinta Yemen ay ku qaadeen telefishinka Al YoumTV oo ahaa mid hoos taga xisbigii Cali Cabdallah Saalax ee GPC.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa la sheegay inay afduub ku heystaan 41 suxufi oo telefishinkaasi ka shaqeenayey, kuwaasi oo tan iyo Sabtidii ku xiran xarunta telefishinkaasi ee magaalada Sanca.

Xuuthiyiinta ayaa loogu baaqay inay soo daayaan suxufiyiinta ay qafaasheen, inkastoo kooxdaasi aysan weli wax jawaab ah ka bixin baaqa iyo cambaareyntan.

Jaamacada Carabta ayaa kooxda Xuuthiyiinta ku darta diiwaankooda kooxaha Argagaxisada kadib markii ay Isniintii dileen Madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax oo dhawaan isaga baxay isbaheysigii uu lalahaa kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta.

Somali Press Online 2017

Adigu Maxay kula tahay?

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here